Markab Holland laga leeyahay oo burcad-badeedda ka sii daayey 17 la hayste

Maajo 13, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Markabka ay ciidamada badda ee reer Holland leeyihiin ee Van Amstel ayaa Jimcadii (11-ka May) samata-bixiyey 17 la hayste oo ay qabsadeen dabley lagu tuhunsan yahay in ay burcad-badeed ahaayeen oo ku sugnaa meel bannaanka ka ah xeebta Soomaaliya, Wasaaradda Gaashaandhigga ee Holland ayaa sheegtay.

"Shaqaalihii la sii daayey ayaa haatan iska fiican markii xaaladdooda la tixgeliyo waxaanay sii wateen safarkoodii,” ayay wasaaraddu ku tiri warmurtiyeed lagu daabacay BNO News-ta Holland. “Dadka lagu tuhmay burcad-badeednimada ayaa loo xawilay markabka dagaal. Waqtigan xaaadirka ah shaqaalaha Midowga Yurub ee hawlgalka Atalanta ayaa ka baaraandegaya suura-galnimada maxkamadaynta dadka lagu tuhunsan yahay burcad-bedeednimada.”

Wasaaradda ayaa sheegtay in 11 qof oo lagu tuhunsan yahay in ay burcad -badeed yihiin la qabtay, ciidamada badduna ay qabteen hub, rasaas iyo agabyo kale oo loo isticmaali karo burcad-beddednimada.

Dhalashada xubnaha shaqaalaha badmaaxiinta ah iyo muddada la haystay ayaan markiiba ahayn arrin la caddeeyey.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada