Bilayska Kenya oo heegan uga jira nin u dhashay Jarmalka oo looga shakiyay argagixiso

Maajo 13, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Bilayska Kenya ayaa Sabtidii (12-ka March) qaybiyey sawirka nin Jarmal ah oo la rumaysan yahay in uu Kenya ku soo galay si sharci darro ah loogana shakisan yahay in uu xiriir la leeyahay al-Shabaab.

Afhayeenka bilayska Eric Kiraithe ayaa sheegay in Axmed Khaled Mueller loo doon-doonayo in su’aalo laga weydiiyo hawlo dembiilennimo ah oo la xiriira dagaalyahaniinta al-Shabaab ee al-Qaacida ku xiriirsan.

"Axmed Khaled Mueller ayaa sidaa darteed lagu amrayaa in uu tago saldhigga bilayska ee ugu dhaw meeshaa oo loo sii gacan gelin doono Unugga Bilayska ee la dagaallnka argaggixisanimada.” Ayuu yiri Kirathie, isagoo intaa ku daray in tuhamanuhu ii sidoo kale uu isticmaalo magacyada kala ah Andreas Martin Muller iyo Abu Nusaibah.

Bilayska ayaa sheegay in ay suurogal tahay in tuhmanuhu uu hubaysan yahay, kuna boorriyey in cid kasta oo wax ka og meesha uu jiro ay la wadaagto maamulka dalka.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada