15 ayaa ku dhimatay jidadna way ku dumeen daadadka Kenya

Maajo 11, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Shan iyo toban qof ayaa ku haftay Kenya toddobaadkan roobab mahiigaan ah oo ka da’ay iyo daadad awgood, dadkaa waxaa ka mid ahaa toddobo carruur ah oo ay daadadku la tageen iyagoo dugsiga u lugaynaya, Daily Nation-ta Kenya ayaa Khamiistii (10-ka May) werisay.

Asaaska jidadka ayaa daciifay markii uu roob radiyey geesaha, ayuu yiri Wasiirka Jidadka Franklin Bett oo ka hadlayey shirweyne ay Nairobi ku lahaayeen injineerro caalami ah. Roobabka ayaa dhaliyey godad dhiiqo ay ka buuxdo iyo cufan biyoodyo, ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in Wasaaradda Beeraha iyo kuwa kale ee ku hawl leh beerashada dhulka ay tahay in ay ka wada hadlaan sidii looga hortegi lahaa nabaadguur dhulka ku dhaca oo ka iman kara daadadka xawliga ku socda oo sababaya dhibaatooyin hor leh.

Dhulyaqaannada Wasaaradda Dhulka ayaa dadka degaanka ah ku boorriyey in ay ka tagaan tuulooyinka Kittony, Embobut iyo Kakisoo iyadoo ay roobabku meelahaas dhulka ka nabaad-guursheen, halistii dhulgo’yo ka dhacana ay sii kordhayso.

Roobabka culus ee Kenya ka da’ayey labadii bilood ee ina soo dhaafay ayaa sababay in maal lagu qiyaasay 10.6 bilyan oo shilin ($127 milyan) oo dhibaato ah ay geysteen oo aanay barakiciyeen in ka badan 60,000 oo qof.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad