Burcad-badeedda oo markab ka qabsatay meel u dhaw Cumaan, Soomaaliyana la aadday

Maajo 11, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Burcad-badeed ayaa Kjamiistii (10-ka May) meel bannaanka ka ah xeebta Cumaan ka qabsatay markab Giriigga laga leeyahay, haatanna sida la soo weriyey ku sii jeeda Soomaaliya, shirkaddii markabku uu u rarraa oo Athens uu saldhiggeedu yahay ayaa sheegtay.

Markabka Smyrni ee booyadda ah ee sita calanka Laybeeriya ayaa waday 135,000 oo tan oo saliid ceeriin ah markii la qabsaday. Waxaa lagu soo warramay in ay saarraayeen 15 naakhuude oo u kala dhashay Hindiya iyo Filbbiin, sida ay sheegtay BBC-du.

"Wax xiriir ah oo laga helay markabka ayaan jirin ilaa iyo markii ay burcad-bedeeddu markabka fuushay,” ayay ku warrantay shirkadda Dynacom Tanker Management, iyadoo intaa ku dartay in “dhamaan madaxda arrintaa ay khusayso oo dhan” la wargeliyey.

Afduubka ayaa wuxuu imaanayaa waqti ay hoos u sii dhacayaan hawlaha burcad-badeednimada ee gobolka Geeska Afrika iyadoo ay taa ugu wacan tahay ilaalada saaran maraakiibta oo la kordhiyey iyo gaafwareegga ay sameeyaan ciidamada caalamiga ah.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada