Maajo 10, 2012
Golaha Kenya ee Tiknoolajiyada Macluumaadka iyo Isgaarsiinta (ICT) ayaa guddoonsiiyay 4 milyan oo shilinka Keyna ah ($48,000) 21 shirkadood oo maxalli ah oo ka shaqeeya horumarinta barnaamijyada ay ku shaqeeyaan kombiyuutarrada si ay u sameeyaan barnaamijyo loo isticmaali karo arrimaha bulshada, sidaana waxaa Arbacadii (9-ka May) qoray wargayska Business Daily Afrika.
Deeqaha ayaa loo isticmaali doonaa in lagu sameeyo barnaamijyo lagu shaqeeyo sida la socoshada bukaanka qaata dawooyinka, helidda meelaha ay ku yaallaan makhaayadaha iyo agabyada kale ee nolasha fududeeya. Dawladda ayaa qorshaynaysa in ka faa’idaysato barnaamijyadaas oo ay qaarkood la fal-galiso barnaamijka loo yaqaan egovernment.
“Waxaannu u baahan nahay barnaamijyo ay dadka Kenya danahooda ku fududeeysan karaan, annagana naga caawin kara in aan ku dar-dargalin karo wax-qabadkeenna gudaha. Haddaanu sidaa yeello, waxaan dhaqaalaha u badbaadin doonnaa balaayiin shilin,” ayuu yiri Xohayaha Joogtada ah ee Isgaarsiinta Bitange Ndemo mar uu ka halyay xafaladdii deeq-guddoonsiinta oo ka dhacday Nairobi.
“Hadafkayagu maaha kaliya in aan kor u qaadno ganacisga ICT-ga maxalliga ah ee jira laakiin waa in aan caawino kuwa hadda biloowga ah, sida kuwaa maanta la siiyay deeqda,” ayuu yiri Madaxa Guddiga Sare ee ICT, Paul Kukubo.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo