Maajo 10, 2012
Kenya ayaa taabba-galinaysa tab cusub oo ay kula dagaallamayso dadka laaya duur-joogta iyada oo soo iibsanaysa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo dheeraad ah isla markaana qoranaysa shaqaalaha ilaaliya duur-joogta, sidaana waxa Arbacadii (9-ka May) sheegay agaasimaha Adeeggyada Ilaalinta Duur-joogta Kenya (KWS) Julisu Kipngetich.
Dadka sida sharci-darrada ah u laaya duur-joogta ayaa sannadkan dilay afar wiyil iyo 70 maroodi, ayuu yiri, isaga oo ku eedeeyay dilka soo badanaya sicirka sii kordhaya ee faan-maroodiga.
“Haatan waxannu halkii wiyil u asteeynay in ay laba qof waardiyeeyaan, halka waayihii hore uu qof kaliya ilaalin jiray halkii wiyilba,” ayuu Kipngetich ka sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Nairobi. Qofka dheeraadka ah ee loo asteeyay ilaalinta wiyisha ayaa ogolaan doona in si sahlan loola socdo dhaq-dhaqaaqeeda.
Kipngetich waxa uu sheegay in KWS (Kenya Wildlife Service) ay sare u qaadi doonto ilaalinta ay ku hayso xirmooyinka duur-joogta iyo maddaarada iyada oo helicabtarkii saddexaad ee KWS-na lagu qalabeeyn doono kamarado lagula socdo dhaq-dhaqaaqa dhulka ka jira.
Sannadkii hore, 278 maroodi ayaa la dilay, sida uu qoray wargayska Daily Nation ee Kenya. Bishii horena, ciidamada ilaalada duur-joogta ayaa meel u dhow soohdinta Ugaandha ku dilay shan qof oo looga shakiyay inay ku ugaarsanayeen si sharci-darro ah.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka maamul-goboleedka Somaliand ayaa Talaadadii (18-ki...
Bilayska Tansaaniya ayaa Talaadadii (18-kii June) Arusha ku xiray afar xildhibaan oo ka tirsan xi...
Rag hubeeysan ayaa Gobolka Wajeer ku dilay askari ka tirsan kaydka bilayska habeeynimadii Talaada...
Japan ayaa oggoolaatay in ay siiso Tansaaniya $49 milyan o doolar (80.4 bilyan oo shilin) oo isug...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa si kalinimo ah u magacaabay soona gudbiyay 1...
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Talaadadii (18-kii June) waxa ay Madaxweyne Ku-xi...
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo