Pinda oo shaaciyay guddoomiyayaal dagmo oo cusub kuna ballan-qaaday isbaddal

Maajo 10, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ra’iisul-wasaaraha Tansaaniya Mizengo Pinda ayaa Talaadadii (8-da May) ku dhawaaqay liiska cusub ee guddoomiyayaasha 133-ka degmo kuwaa oo ay ku jiraan 63 guddoomiye oo dib loo magacaabay.

Kadib markii ay soo baxeen cabashooyin musuq-maasuq oo keenay in uu Madaxweyne Jakaya Kikwete isku-shaandhayn ku sameeyo golaha xukuumadda todobaadkan, ayuu Pinda waxa uu dareenkii u wareejiyay dhibaatooyinka ka jira golayaasha degaanka degmooyinka.

“Waxa jiray cabashooyin badan oo ku saabsanaa ku takri-falka hantida qaranka ee ka jirta golayaasha degaanka ee degmooyinka,” sidaana waxa Pinda ka soo xigtay wargayska The Citizen ee ka soo baxa Tansaaniya. Pinda ayaa guddoomiyayaasha ku amray in ay warbxinnadooda soo gudbiyaan bisha August si ay markaa guddoomiyeyaasha gobolladu hubin ugu sameeyaan warbixinnadooda. Waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddu ay dib-u-eegid ku sameeyn doonto warbixinta dhawaan uu soo saaray Xisaabiyaha Guud, taasoo muujinaysa khaladaad ka jira sida loo kharash-gareeyo hantida dawladda.

“Waxan rumaysanahay haddii aan sidaa ku shaqeeyno, in aan horumar ka samayn doono sida loo kharashgareeyo lacagta dawladda,” ayuu yiri Pinda.

Pinda waxa uu sheegay in markii uu magacaabayay guddoomiyayaasha uu aad ugu dadaalay in uu ilaaliyo kala duwanaanshaha mujtamaca, sida uu qoray wargayska Dalily News ee ka soo baxa Tansaaniya. Afartan guddoomiye ayay da’doodu u dhexeeysaa 35 iyo 40-jirro, halka 30% ay yihiin dumar. “Ula-jeeddadu waa in la ilaaliyo axdiga sinnaanta jinsiga,” ayuu yiri Pinda oo Daaru-salaam kula hadlayay tifaftirayaasha wargaysyada.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad