Maajo 10, 2012
Dagaalyahannada al-Shabaab ayaa Arbacadii (9-ka May) bartamaha Soomaaliya ku xiray ku dhawaad 100 ka tirsan odayaasha dhaqanka, sida uu sheegay xildhibaan Daahir Sheekh Amiin Jeesoow.
Jeesoow ayaa Shabakadda Warbaahinta ee Shabeelle u sheegay in odayaasha laga soo qab-qabtay Buqda Caqable, Ceel Cali iyo Mukeyle oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Waxa uu sheegay in la rumaysan yahay in odayaashu isu diyaarinayeen in ay u safraan Muqdisho si ay ugu biiraan kulana ay odayaasha dhaqanku ka leeyihiin sidii loo soo xuli lahaa Wakiillada Golaha Qaranka ee la qorsheeynayo in ay dib-u-eegid ku sameeyaan dastuurka dabadeedna ay cod ku meel-mariyaan todobaadyada soo socda.
Al-Shabaab ayaa waxa ay ku hanjabtay in ay weerari doonto shirka isla markaana ay dili doonto qof walba oo ka qayb-qaata ansixinta dastuurka cusub.
“Waa sharci in la dilo qof walba oo ka qayb-qaata ansixinta dastuurka cusub, oo ah wax ay soo qoreen cadowga alle,” ayuu yiri afhayeenka al-Shabaab Cali Maxamuud Raage.
Al-Shabaab kama aysan hadlin xarigga odayaasha.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo