Puntland iyo Somaliland oo xag-jiriinta kula dagaallamaya waxbarashada

Maajo 10, 2012

  • 2 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Puntland iyo Somaliland ayaa maal-gashanaya waxbarashada si ay carruurta uga ilaaliyaan in ay u weecdaan xag-jirnimada iyo burcad-badeednimada, sida ay Arbacadii (9-ka May) warisay wakaaladda wararka ee AFP.

“Waxbarashadu waa dariiqa kaliya ee loogu babac-dhigi karo xag-jirnimada ka jirta Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdi Faarax Saciid, Wasiirka Waxbarasahda Puntland. Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in “da’yarta loo sameeyo mustaqbal”, sababtoo ah “haddaanay waxbarasho jirin mustaqbal ma jiro”.

“Sida kaliya ee uu qaran ku yeelan karo awood waa marka uu helo dad aqoon leh oo shaqeeya,” ayay tiri Wasiiradda Waxbarashada Somaliland, Zamzam Cabdi Adan.

Sannadkii hore, Zamzam waxa ay waxbarashada asaasiga ah ka dhigtay lacag-la’aan, waxaana ay biloowday in macallimiinta lagu daro shaqaalaha dawladda. Sannadkan, Somaliland waxa ay 10% ka mid ah miisaaniyadda u qoondeeyn doontaa waxbarashada, halka Puntland ay sannadkan miisaaniyadda waxbarashadu 3.5% ka tahay miisaaniyadda guud, sannadka 2013-kana la gaarsiin doonto 7%.

Midowga Yurub ayaa 85 milyan oo yuuro ($112 milyan) sannadkiiba ku bixiya waaxda waxbarashada ee guud ahaan Soomaaliya, oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • daad
    May 11, 2012 @ 01:48:11PM

    Waa si wacan…xagjirnimada soomaaliya ka jirtaa iyo in caruurteena wax la baro waa ay isku xiran yihiin, mise waxa aad u jeeddaa ma rabtid in aad wax barto, oo waxa aad rabtaa inay jaahiliin ahaadaan

  • ali yousuf
    May 10, 2012 @ 06:16:49PM

    waxaan aad u taageerayaa in wax barshada dugsiyadda hoosee ee somaliland laga dhigay sanadkii hore lacaag laaan waxaanan ku amaanayaa wasiirka waxbarashada somaliland hawwshaas uu umada u qabtaay, waxaa kale ooo aan ku amaanayaa wasiirka wax barashada dhisida iskuulada iyo tayaynta macalimiinta iyo xafiisyada dawlada ee ay ku hawlan tahay horumarintooda, insha alah ilaahay ha kuu dhib yareeyo wasiir.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada