Maajo 10, 2012
Guddiga Wadaagga ah ee Ammaanka Soomaaliya ayaa Arbacadii (9-ka May) meel-mariyay qorshe lagu mideeynayo ciidamada xulafada la ah dawladda ee dagaalka kula jira al-Shabaab iyo al-Qaacida, sidaana waxa sheegay Africa Review.
Xoogagga ayaa ka hoos-shaqayn doonna hogaanka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya. Guddiga oo labadii biloodba mar kulma, ayaa waxa uu ka kooban yahay wakiillo ka kala socda Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Urur-goboleedka IGAD, iyo dhinacyo kale. Shirka waxa kale oo goob-joog ka ahaa saraakiil ka kala socda Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca.
Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali, oo isagu kulanka shir-guddoominayay, ayaa taageeray qorshaha, isaga oo sheegay in taliska dhexe ee ciidanka uu awood u leeyahay in uu hoggaamiyo ciidamada.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa kulanka ka dib saxafiyiinta u sheegay in ka soo qayb-galayaashu ku baaqeen in la dhiso xeryo millatari oo lagu xareeyo xoogagga dhawaan la mideeyay.
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
Shan qof ayaa lagu xiray Daarusalaam Khamiistii iyaga oo haysatay walxaha laga sameeyo qarxyada, ...
Madaxwenaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyay sharci-dajiyayaasha in ay dhinac iska dhigaan ...
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa gobolka Bakool ku dilay sagaal ka tirsan dagaalyahannada al-Sh...
Rag hubeeysan oo aan la garaneeyn ayaa fiidnimadii Sabtida (18-kii Maajo) waxa ay waqooyi-bari ke...
Xisbiga talada haya Kenya ee Isbahaysiga Jubilee ayaa hoggaanka u qabtay laba guddi-barlamaan oo ...
Rugta Ganacsiga Jabuuti iyo Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ayaa ilaalada xirmo...
Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Tansaaniya Filiberto Ceriani Sebregondi ayaa ku boorriyay saxaf...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo