Telecom iyo wasaarado ka tirsan xukuumadda Jabuuti oo tababbar tiknoolajiyadda ah siinaya dumarka

Maajo 09, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Shirkadda Telecom ee Jabuuti oo kaashanaysa laba wasaaradood oo ka tirsan xukuumadda Jabuuti ayaa Isniintii (7-da May) billaabay barnaamij lagu tababbarayo dumarka kaasoo khuseeya tiknoolajiyadda macluumaadka iyo isgaarsiinta, sidaana waxa qoray wargayska La Nation.

Inta uu socdo tababarkan oo qaadan doona laba todobaad, ayaa qiyaasta 30 gabdhood oo dhallinyara ah waxa ay Balbala ku qaadan doonaan macluumaad ay soo diyaariyeen khubaro ka tirsan Shirkadda Telecom ee Jabuuti, kuna saabsan sida loo isticmaalo kombiyuurtaka, sida loo galo Internetka isla markaana loo ogaado dambiyada lagu galo khadka Internetka, sifo markaa ay gabdhahaasi diyaar ugu noqdaan in ay shaqo helaan.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Dhaqanka iyo wasaaradda Horumarinta Haweenka, Gargaarka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ayaa iyaguna qayb ka ah barnaamijkaan tababareed. Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Hawenka Halo Abuubakr ayaa ku ammaantay tababarka faa’idada uu wato iyo macnihiisa, isaga oo la jaan-qaadaya yoolka dawladda ee horumarinta duruufaha haweenka.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada