Wasiirrada waxbarashada Soomaaliya iyo Kuwayd oo ka wada-hadlay iskaashi

Maajo 09, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Wasiirka Dhaqanka iyo Waxbarashada Soomaaliya Axmed Caydiid Ibraahim ayaa Talaadadii (8-dii May) la kulmay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Kuwayd si ay uga wadahadlaan waxbarasahda ardayda Soomaaliyeed, sidaana waxa sheegay Wakaaladda Rasmiga ah ee Wararka Kuwayd.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Kuwayt Tamadhor al-Sedairawi ayaa sheegay in Kuwayd ay ka go’antahay in ay taageerto ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dugsiyada Kuwayd in all iyo inta ay dawladda Soomaaliya doonayso.

Danaynta gaarka ah ee wasaaraddu danaynayso in ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dugsiyada iyo jaamacadaha Kuwayt ay guulaystaan ayaa ka jawaabaysa heshiis ay labada dawladood ka leeyihiin iskaashiga waxbarashada.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada