Ingiriiska oo dhimaya dadaalladiisa ku aaddan ka-hor-taggidda burcad-badeednimada

Maajo 09, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Boqortooyada Ingiriiska ayaa hoos u dhigtay dadaalkeeda ku aaddan ka-hor-tagidda burcad-badeednimada, iyada oo aan hadda iyo wixii ka dambeeya maraakiibteedu ayan ilaalo ka hayn doonin badda si ay ula dagaallamaan burcad-badeedda ka jirta xeebaha Soomaaliya, sidaana waxa Taladaadii (8-dii May) qoray wargayska The Guardian.

Inkasta oo ay jirto dhimistu, haddana la dagaallanka burcad-badeednimada ka jirta xeebaha Soomaaliya waxa ay xukuumadda Boqortooyada Ingiriisku ugu sii jiri doontaa mudnaanta sare. “Dawladdu waxa ay sideedii u sii wadi doontaa ballan-qaadkii ahaa in ay gacan ka gaysato dib-u-xasilinta Soomaaliya, dhaq-dhaqaaqyada Ciidamada Badda Boqortooyada ee ku aaddan in la arbusho burcad-badeedduna waa kaliya qayb ka mid ah qorshe ballaaran oo dhamaystiran oo ay Boqortooyada Ingiriisku ku waajahayso [burcad-badeednimada],” ayay tiri Wasaaradda Difaaca Ingiriiska.

Dib-u-qiimayntii Istraatijiyadda Difaaca iyo Amniga ee 2010-kii ayaa lagu naaqusay afar markab oo ay lahaayeen Ciidamada Badda ee Boqortooyada, taasoo ka dhigan in ay laba markab oo kaliya u soo haraan howl-gallada deg-degga ah ee bariga Kanaalka Suways. Horay wuxuu Ingiriisku ugu qorsheeyay xeebaha Soomaaliya afar markab kuwaa oo si kaltan ah sannadka oo dhan uga howl-gali jiray mandiqadda.

Waddamo dhowr ah oo ka tirsan Midowga Yurub (MY), oo ay ka mid yihiin France, Italy, iyo Denmarka ayaa iyagu maraakiib si gaar ah ugu asteeyay la dagaallanka burcad-badeednimada ka jirta xeebaha Soomaaliya. Sannadkii tagay, waxa hoos u dhacay weerarrada guusha ku dhamaada ee burcad-badeeddu ka fuliyaan Badwaynta Hindiya, sida ay sheegeen Ciidamada Badda Yurub ee ka howl-gala Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa wargays u sheegay in ay ka shaqeeynayaan “dhismaha shabakad xarumo-goboleed oo laga sameeyo Kenya, Mureeyshiyas, Siishalis iyo Tansaaniya si loogu maxkamadeeyo burcad-badeedda Soomaalida ah ee laga shakhiyo, kuwaas oo haddii dambiga lagu helo, lagu celin doono Soomaaliya si ay muddada xabsigooda ugu qaataan xabsiyo ammaan ah isla markaana ay ka jirto xaalad bini’aadanimo”.

Bishii hore, dawladda Siishalis ayaa 17 burcad-badeed ku wareejisay Somaliland si ay halkaa ugu qaataan muddada xukunkooda, taasoo qayb ka ah hirgelinta heshiis laba-geesood ah oo ay dhinacyadu gaareen bishii February.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada