Wasiirka difaaca Soomaaliya: Kama daali doonno dagaalka aan kula jirno al-Shabaab

Maajo 09, 2012

  • 3 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa Talaadadii (8-dii May) waxa uu sheegay in Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ay dhawaan dalka ka tirtiri doonto kooxda al-Shabaab.

Ciise waxa uu sheegay in yoolka Dowladda FKMG ah uu ahaa in gobolka lagu soo celiyo amnigii, sidaa darteedna ka tirtiridda al-Shabaab laga tirtirayo bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ay tahay tallaabadii ugu horreysay ee muhiimka ahayd ee loo qaado ka lib-keenidda yoolkaas.

“Inkasta oo ay ka huleeleen Muqdisho, taasi macneheedu ma aha in aan iska seexanno,” ayuu yiri sida ay sheegtay Shabakadda Warbaahinta Shabeelle. “Ciidamadeennu waa ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab.”

Ciise waxa uu sheegay in tan iyo markii ay dawladdu la wareegtay gacan-ku-haynta Muqdisho sannadkii hore ay al-Shabaab farsamadeedii u badashay bar-tilmaameedsiga dadka rayidka ah, isaga oo dadka Soomaaliyeedna ku boorriyay in ay la shaqeeyaan DFKMG si looga hortago weerarro dheeraad ah.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 4)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Kimario Leons Ngalai
    May 21, 2012 @ 10:55:11AM

    Waxaan hambalyo u dirayaa muwaadiniinta soomaaliyeed ee nabada doorbiday, waxaanan sidoo kale hambalyaynayaa dawlada federaalka ku meel gaadhka ah ee soomaaliyeed hawsha adag ee qabatay awgeed. Waxaan sidoo kale jecelahay inaan hambalyo u diro midowga afrika ciidamada nabad soo celinta ay soo direen awgeed. Ilaahay ayaa idiinka abaal-gudi doona naftiinna aad u hurteen badbaadinta walaaleheena soomaaliyeed, ee aad u suurto galiseen in ay dhadhamiyaan macaanka nabadu ay leedahay, sida waddamada kaleba ay ku nool yihiin. Ilaahay ha barakeeyo soomaaliya iyo afrika labadaba.

  • jama
    May 10, 2012 @ 02:34:16AM

    Waxaan u mahad-naqaynaa wasiirka difaaca Ciise fikradiisa ku wajahan in laga cidhib tiro Al-shabaab Soomaaliya iyo xeeladahooda laciifka ah ee ay ku bartilmaameed sanayaan shacabka iyo kuwa taagta daran kuwaas oon ku lug lahayn kooxaha siyaasadda Soomaaliya, wasiir mahadsanid wxaan kuu rajaynaynaa inaad ka guulaysan doontid cadawgaaga ugu danbaynta aad ka nadiifin doonto waddanka oo dhan iyo sidoo kale gobalka oo dhan.

  • Fatah Qaasim
    May 9, 2012 @ 08:39:04PM

    Al-shabaab waa koox aad u xun oo ka hawl gasha Soomaaliya ilaa iyo intii ay bilaabatay waxay ka tageen raadad dhimasho iyo burbur ah meel kasta oo ay tageen. Ficiladooda waxaa laga canbaareeyay adduunka oo dhan dad badana waxay aammin sanyihiin in la joojiyo wax kastaba ha ku kacdee. Waxay ka soo horjeedaan xuquuqda aadamaha ayagoo afduubaya caruurta ka yar 18 waxayna u carbinayaan inay noqdaan ciidan u dagaalama ujeedooyin xaataa ayna ayagu garanaynin. Waxay ku laynayaan shacabka aan waxba galabsan Soomaaliya iyo wadamada dariska ah. Sidoo kale waxay weerarayaan gudbinta cawimaadda wayna ka xanibayaan galitaanka meelaha oogu badan ee ay ku dhufteen macaluushu iyo cudurado. Ficiladooda darteed Soomaali aan waxba galabsan oo badan ayaa dhiman doona maalin kasta haddii ayna joojin. Kooxda argagixiso waxay sabab u yihiin in heerka horumarka ee wadanka uu aad hoos oogu dhaco sababtoo ah dadku waxay ku nool yihiin cabsi waxayna sababtay weeraro isdaba jog ah xaqiiqdiina waxaba kuma hormari karaan.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada