Ciidanka amniga Soomaaliya oo fashiliyay weerarro Muqdisho lala maagganaa

Maajo 09, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ciidanka ammaanka Soomaaliya ayaa Talaadadii (8-dii May) laba nin oo sita waxyaabaha qarxa ku qabtay kontoroolka Afgooye, sida ay sheegeen saraakiil ammaan.

“Maanta, ciidamada ammaanka Soomaaliya waxaa u suuraggalay in ay qabtaan oo ay fashiliyaan laba nin oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kuwaa oo ay al-Shabaab qorshaynaysay in ay weerarro uga fuliso Muqdisho,” sida uu Shabakadda Warbaahinta Shabeelle ee Soomaaliya u sheegay Axmed Cabdullaahi Yare oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka amniga.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay isticmaalkooda qaraxyada ay fuliyaan dadka isa soo miidaamiya ee ay ka sameeyaan Muqdisho tan iyo intii ay ciidanka dawladdu la wareegeen gacan-ku-haynta caasimadda bishii August 2011-kii. Kooxda ayaan wali wax faallo ah ka bixin qabashada labada nin lagu qabtay kontoroolka Afgooye.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada