Dawladda Kenya oo qaybisay deeqo khuseeya mashaariicda elektaroonigga

Maajo 08, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Dawladda Kenya ayaa 106 milyan oo shilinka Kenya ah (1,3 milyan) u qaybsiay shirkado ganacsi oo ka shaqeeya tiknoolajiyadda oo ku baahsan dhammaan dalka sifo sare loogu qaado horumarka khuseeya arrimaha elektaroonigga, sidaana waxa Isniintii (7-da May) qoray wargayska Daily Nation ee Kenya.

In kabada 30 urur ayaa laga xushay 790 codsi oo loo soo qortay lacagtaas. Ururadan ayaa ka shaqayn doona in ay manaahijta waxbarashada dugsiyada u baddalaan elektaroonik isla markaana ay waaxda caafimaadka u hindisaan una sameeyaan cayaaraha fidiyoowga iyo barnaamijyo kambiyuutar.

“Haatan waxanu ka gudubnay hadalkii dhismaha asaaska, waxanan u gudubnay dhismaha nuxurka, abuuridda siyaasad wanaagsan oo lagu shaqeeyo iyo kobcinta aqoonta ee mihnadda,” ayuu yiri Bitange Ndemo oo ah Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.

Maaliyadda mashruucan khuseeya elektrooniga ayaa qayb ka ah deeq uu bixiyay Bangiga Adduunka oo dhan 250 milyan oo shilinka Kenya ah ($3 milyan), taasoo loogu tala-galay in lagu dhiiri-galiyo casriyaynta teknoolajiyadda maxalliga ah.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Sidee baa loo dhisi karaa dawlad-goboleedyada federaalka Soomaaliya iyadoo maanka lagu hayo khilaafka ka taagan Jubbaland?

Fiirso natiijada