Maajo 08, 2012
Daraasad uu Isniintii (7-da May) soo saaray Ururka Canshuur-bixiyayaasha Kenya ayaa lagu ogaaday in sare-u-qaadidda lagu sameeyay baaritaanka hay’adaha dawladda iyo maxkadayn dad looga shakiyay wax-is-daba-marin ay sababeen in ay hoos u dhacdo ku takri-faladdii lacagta.
Si kastaba ha ahaatee, warbixinta daraasadda ayaa heshay in lacag gaaraysa 363 milyan oo shilinka Kenya ah ($4.3 milyan) la lunsday sannad-maaliyadeedkii 2009 iyo 2010-kii, sida uu sheegay wargayska Business Dialy Africa.
Ururka ayaa sameeyay sahan ay ka qayb-galeen 38 degmo-degaan, waxana lagu ogaaday in degmada Gatanga ay kaalinta ugu sarreeya ka gashay si habboon u-isticmaalidda Dhaqaalaha Horumarinta Degaanka iyo Dhaqaalaha Gargaarka Maamullada Maxalliga ah, iyada oo aan la arag wax muujinaya hanti si xun loo isticmaalay.
Degmada Wundanyi ayaa gashay kaalinta labaad, iyada oo gole degaan oo maxalli ahi lagu ammaanay in uu cod-bixiyayaasha u ogolaaday in ay doortaan xubnaha uga mid noqonaya Guddiga Dhaqaalaha Horumarinta Degaanka. “Danaha dhinacyada oo dhan waa la mataliyay, waana taas sababta noo sahashay wax-qabadka wanaagsan,” ayuu yiri Tohmas Mwadeghu oo ah xildhibaanka degmada Wundanyi sida uu ka soo xigtay wargayska Daily Nation-ta Kenya.
Degmada Bariga Markawet ayaa ahayd tii ugu shaqada xumayd iyada oo qiyaasta 50% Dhaqaalaha Horumarinta Degaanka si xun loo maamulay.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo