Golaha Guud ee Bariga Afrika oo dhisaya mac-had barlamaani ah

Maajo 08, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Xafiiska Afhayeennada Beesha Bariga Afrika ayaa Talaadadii (8-da May) oggolaaday abuuritaanka Mac-hadka Barlamaaniga ah ee Bariga Africa (East African Parliamentary Institute - EAPI) kaasoo ah mac-had cusub oo looga golleeyahay in kor loogu qaado aqoonta sharici-dajiyayaasha gobolka.

Mac-hadka ayaa ku lammaanaan doona BeeshaBariga Africa ee EAC, isaga oo xoogga saari doona dhisidda aqoonta, xirfadda iyo aqoonta mihnadeed ee xildhibaannada waddamada uu ka kooban yahay EAC-ga. Sida uu ku waramay wargayska The Standard ee ka soo baxa Kenya, afhayeennada ku kulmay Kigali ayaa ku boorriyay golayaasha barlamaanka ee xubnaha ururka in ay dhisaan guddiyo kor u qaada is-dhex-galka.

Madaxweynayaasha Burundi, Ugandha, Rwanda iyo Kenya ayaa waxa ay horay u meel-mariyeen qaraarka lagu doonayo in lagu dhiso mac-hadka, haatanna waxa uu horyaal madaxweynaha Tansaaniya Jakaya Kikwete.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada