Maajo 08, 2012
Saraakiil heer sare ah oo ka kala socda Jabuuti iyo Somaliland ayaa kulmay Isniintii (7-da May) si ay u wanaajiyaan xiriirka diblomaasiyadeed isla markaana uga xaajaystaan hababka ay ku xoojin karaan xiriiradooda dhaqaalaha, ammaanka iyo horumarinta, sidaana waxa kulanka ka dib sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar.
Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa aqalka madaxtooyada ku qaabbilay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale.
Kulanka ayaa yimid maalmo ka dib markii laba wasiir oo ka tirsan golaha xukuumadda Jabuuti laga celiyay magaaladda soohdinta ku taal ee Lughaya, dhacdadaa oo ay saraakiisha Somaliland u aaneeyeen in uu u dhacay qorshaynta iyo xiriirka oo aad u liitay.
Omar ayaa u gudbiyay madaxwyne Geelle farriin shakhsi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo. Lama sheegin nuxurka ay farriintaasi xambaarsanayd.
Sida la wariyay labada dhinac waxa kale oo ay ka wada-hadleen qiyaddayada ammaanka iyo siyaasadda ee Geeska Afrika iyo sidoo kale kaalinka ay Somaliland ciyaari karto gobol ahaan.
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
Iska-daba-wareegga badan ee xafiiseed iyo kati xumida ka jirta dekedda Daarusalaam ayaa ugu kacda...
Madaxda Maamul-goboleedka Puntland ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) u kulmay si ay u dhiirrio galiy...
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa xiray in ka ba...
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iskaashiga istaraatiijiyadeed kala sheekaystay G...
Madaxwynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ciidamada ammaanka iyo garsoorkuba waa in ay si rasmi ah uga qo...
Ra'iisul-wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa ku baaqay in kor loo qaado iskaashiga...
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Waa wax aad u gaaban oo aan faafaahin badan lahayn. Maxaa wasiirada loo celiyay? Maxaa loola jeedaa isgaadhsiin la’aan? Maxay yihiin sababaha ammaan ee arrimahaan ku taxalluqa? M