Maajo 08, 2012
Beledweyne ayaa leh duq magaalo oo cusub oo ay doorteen wakiillada dadku, sida uu Isniintii (7-da May) weriyey Raadiyaha Bar-Kulan ee ay maal-galiso QM.
Maxamed Xasan Nuuriye ayaa 135 cod ka helay guud ahaan tirada ergada codaysay oo dhammayd 200, isaga oo sidaa uga guulaysaty labadii musharrax ee la loollantay oo iyagu kala helay 11 iyo 8 cod. Ku-xigeenka Nuuriye ayaa isagana waxa u helay 147 ka mida 200 ee cod.
Duqa cusub ayaa u mahad-celiyay cod-bixiyayaasha waxana uu ballan-qaaday in uu ka shaqayn doono maslaxadda guud ah ee dadka.
Mid ka mida tallaabooyinkii ugu horeeyay ee uu qaaday Talaadadii, ayuu Nuuriye waxa uu sharci-darro ka dhigay in hubka lagu qaato magaalada dhexdeeda, marka laga reebo ciidamada ka shaqaynaya howl-gallada ammaanka. Sidoo kale waxa uu amray in ciidamada dawladdu ay xarumahooda ku ekaadaan sababo la xiriira ammaanka dartood.
Saadaq Cumar Sabriye oo ah madaxa guddiga doorashooyinka Hiiraan, ayaa sheegay in doorashadu ahayd mid furan oo caddaalad ah, iyada oo ay meesha ka marnaayeen wax eex iyo iilasho ah oo ku dhisan qabyaalad.
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
Dab qabsaday suuqa weyn ee Gaarisa ayaa burburiyay in ka badan 100 buqcadood habeeynimadii Isniin...
Xoghayaha Dawladda ee Midnimada Qaranka Jabuuti Zahra Yuusuf Kayad ayaa Isniintii (17-kii June) w...
Guddiga barlamaanka ee miisaaniyadda ayaa diiday qorshe xafiis cusub loogu iibinayo madaxweynihii...
Gubato ka kacday magaalada Balbala ee Jabuuti Axaddii (16-kii June), ayaa burburisay 11 guri iyad...
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo