Hoobiye 7 rayid ah ku dilay Muqdisho

Maajo 08, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madfac hoobiye ah oo lagu tuuray xaafad ku taal Muqdisho Talaadadii (8-da May) ayaa dilay toddoba qof sagaal kalena dhaawacay, sada ay AFP u sheegeen goob-joogayaal iyo sarkaal ka tirsan ciidanka amniga.

“Waxa ay ahayd musiibo ka argaggixisay dadka oo dhan,” ayuu yiri Daahir Aadan oo goob-jooge ahaa.

Saraakiisha ciidanka amniga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay weerarka waxana ay bilaabeen baaritaan. Kooxina ma sheegan mas’uuliyadda weerarka.

Cabdikarim Gaas, oo daggan goob ku dhow halka uu madfacu ku dhacay, ayaa sheegay in afar ka mida dhibanayaashu ay ahaayeen sokeeye. “Hooyo, aabbe iyo labadooda wiil ayaa dhintay laba kalena waa ay dhaawacmeen,” ayuu yiri.

Todobaadkii hore, ayay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD waxa ay ka digeen kuwa ay suuraggalka tahay in ay yihiin “qaswadayaal” carqaladeeynaya geeddi-socodka nabadda oo doonaya in ay Soomaaliya qas ka ridaan, waxayna sheegeen in ay “si wayn dareen uga qabaan” isku dayo la doonayo in lagu marin-habaabiyo fulinta qorshaha nabadda.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad