Maajo 07, 2012
Bilayska Kenya ayaa aqoonsaday shakhsiyada qofka lagu tuhunsanyahay in uu ka dambeeyay weerarkii 29-kii April bambaanada lagu weeraray kaniisad ku taal Nairobi, kuna sheegay in uu yahay xubin la yaqaan oo ka tirsan al-Shabaab.
Qofka weerarka qaaday, oo loo yaqaan “Amar”, ayaa sannadkii hore waxa uu joogay Kismaayo, laakiin waxa uu Kenya ku soo noqday xilli hore oo ka mida sannadkan, sidaana waxa sheegay Taliyaha Bilayska Matthew Iteere.
Bilayska ayaa qaybiyay sawirrada tuhmanaha, isla markaana waxa ay ku dhiiri-galiyeen qof walba oo macluumaad haya, gacanna ka gaysan kara soo qabashadiisa in uu bilayska la soo xiriiro. “Waa muhiim in la ogaado in uu yahay qof khatar ku ah ammaanka lana rumaysan yahay in uu ku hubaysan yahay bistoollad lagana yaabo in uu haysto waxyaabaha qarxa, sidaana waxa Iteere ka soo xigtay Idaacadda Capital FM News ee Kenya.
Weerarka bambaano ee lagu qaaday Kaniisadda God’s House of Miracles International oo ku taal xaafadda Ngara ayaa waxa isla goobtiiba ku dilay qof 15 kalena ku dhaawacay.
Iteere ayaa sheegay in hoggaamiye al-Shabaab ka tirsan oo ku sugan Kismaayo “uu sheegtay mas’uuliyadda weerarka isla markaana ku dhaartay in uu Kenya u soo diri doono is-miidaamiyayaal dheeraad ah”.
Nairobi ayaa tan iyo dhammaadkii sannadkii 2011-kii waxa ka dhacay dhowr weerar oo lala bar-tilmaameedsaday dadka rayidka ah kuwaa oo loo adeegsaday bambaanada gacanta laga tuuro, iyada oo qaraxii ugu dhimashada badnaa uu sagaal qof ku dilay astaan laga raaco basaska bishii March.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Dad badan oo reer Kenya ah oo aan waxba galabsan ayaa ku waxyeeloobay weerarada kooxda alshabaab, markaa dhagarqabayaashan waa in lasoo xidhaa oo sida sharciga waafaqsan loola dhaqmaa. Run ahaantiina hadii dambi lagu helo, waa in xukun dil ah lagu xukumaa.
Dawladdu waa in la timaaddaa qorshe macquul ah oo ay ku yaraynayso shaqo-la'aanta taasoo ku keeneysa dhalinyarta inay galaan kooxaha argagixiso si ay u noolaadaan naftoodana wax ugu qabsadaan.