Dagaalyahanno al-Shabaab ah oo isu dhiibay ciidanka Soomaaliya ee Danyniile

Maajo 07, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Shan dagaalyahan oo aan qaan-gaar ahayn, kana tirsanaa al-Shabaab ayaa dhigay hubkoodii dabadeedna isu dhiibay ciidamada Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ee ku sugan xaafadda Dayniile ee ku taal duleedka magaalada Muqdisho, sidaana waxa Isniintii (7-da May) wariyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA).

Guddoomiyaha xaafadda Dayniile Daahir Xasan Xuseen ayaa sheegay in dagaalyahannadu ilaalo ka hayeen goob baaritaan iyagoo ku hubaysnaa qoryo AK 47 ah, baasuukayaal iyo rasaas. Waxa ay isu-dhiibeen koox ka tirsan ciidamada Dawladda FKMG oo markaa sahay gaarsiinayay bar kontorool oo halkaa ka dhawayd.

“Tani waa calaamad cad oo muujinaysa in al-Shabaab ayan wax ixtiraam ah u hayn nolosha bini’aadamka,” ayuu yiri Xuseen. “Waxa ay qortaan dagaalyahanno aan qaan-gaar ahayn oo ay markaa u dhiibaan hub aan loogu tala-galin in ay isticmaalaan caruurta yaryar.”

Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa sanadkan la wareegay dhowr goobood oo istiraatiiji ah oo ay awood ku lahaayeen oo ku yaal hareeraha Muqdisho.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 4)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada