Kenya oo danabaynaysa manhajka dugsiyada sare

Maajo 04, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Dawladda Kenya ayaa shaacisay Khamiistii (3-dii May) heshiis is-kaashi oo ay la gashay shirkaddaha LG Electronics, Intel iyo Microsoft si loo danabeeyo oo kombiyuutar ahaan loogu isticmaalo manhajka dugsiyada sare ee dalka.

Laga bilaabo bisha soo socota, ardayda ayaa awoodi doona ina ay kombiyuutarada iyo taleefannada gacanta ka galaan ama ka isticmaalaan maaddooyinkooda dugsiga, taasoo sare u qaadi doonta hannaanka waxbarashada, sidaana waxa qoray wargeyska Kenya ka soo baxa ee Daily Nation.

Buugta iyo tusmada maaddooyinka ayaa ka mid ah waxyaabaha la danabeeyay ee kambiyuutarka laga isticmaali doono, iyada oo ay macallimiintuna qaadan doonaan tababbarro la xiriira sida loo isticmaalo farsamdan cusub.

“Waxbaradashada elektaroonigga ah waxay ardadya u fududeeyn doontaa in ay dhuuxaan macnaha shishe ee ka dambeeya waxa ay baranayaan, isla markaana waxa ay bili doontaa heerka fahamka aqooneed ee faa’idada u leh ardayda,” ayay tiri Lydia Nzomo, oo ah agaasimaha Mac-hadka Kenya ee Waxbarashada.

LG, Intel iyo Microsoft ayaa kambiyuutarro ugu deeqi doona dugsiyada Kenya si loo hubiyo in ay isticmaali karaan hannaanka danabaysan.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad