Daadad iyo dhul-go’ ka dhacay Nairobi oo barakiciyay 60,000 oo qof

Maajo 04, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

In ka badan 40 qof ayaa dhintay 60,000-na waa ay barakaceen kadib markii ay daadad iyo dhul-go’yo ku dhufteen qaybo kamida Kenya, sidaana waxa Khamiistii (3-dii May) qoray Daily Nation-ta Kenya.

Laba qof ayaa sida la wariyay la la’yahay 42 qof oo kalena waa ay dhaawacmeen, sida ay sheegtay afhayeenka ururka Laan-qaydha Cas ee Kenya Nelly Muluka. Waxa ay sheegtay in biyaha fatahaya ay gabi ahaanba aaseen guryo ay ku noolaayeen qiyaasta 100 qoys.

“Ka dib barakacaas, Laan-qaydha Cas waxa ay qoysaska ay fatahaaduhu saameeyeen u qaybisay teendhooyinka bacaha ka sameeysan, bustayaal, mara-kaneeco, agabka jikada, jirgaanno iyo waliba agabyo kale,” ayay tiri Muluka.

Heerka biyaha ee Wabiga Nzoia ayaa kor u kacay qiyaasta shan mitir, “taas oo ah xaalad laga walwalo,” ayay tiri.

“Ka dib markii uu sara-kacay heerka biyuhu, ayay shaqaalaha Laan-qaydha Cas waxa ay bulshada deggan goobaha halista ah ku waaniyeen in ay u ruuqaansadaan dhulka jooggiisu sarreeyo,” ayay tiri Muluka.

Laan-qaydha Cas ayaa Khamiistii barnaamij caafimaad u biloowday dadka daggan Nyanza, kuwaa oo ku barakacay fatahaadaha.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • JULIUS M
    May 7, 2012 @ 05:34:18AM

    AAKHIRKA NABIGA ILAAHAY, DR DAVID EDWARD OWOUR, WAXUU MANAAM KU ARKAY DAADAD ARGAGAX LEH INAY IMAANAYAAN DHULKA TAASOO AY SABABTAY SINADA LAGU SAMEEYO DHULKA IYO DANBIYO KALE. HADDA MAR HADDA WAXAAS OO DHAN DHACEEN, DADKOO DHAN WAA IN AY OGAADAAN INAY JIRAAN KHAADIMAYAAL ILAAHAY OO WANAAGSAN ADUUNKA DHEXDIISA. QOF KASTANA WAA INUU U DHAGA NUGLAADO DALBASHADIISA TOOBADDA OO UUNA U DIYAAR GAROOBAA MARKA UU IMAANAYO MASIIX.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad