Maajo 04, 2012
Wakiillo ka kala socda warbaahinta Soomaaliya, Ururka Qaranka ee Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Warfaafinta ayaa Khamiistii (3-dii May) si wadajir ah u soo saaray war-murtiyeed ay ku xusayaan Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka, iyagoo isku raacay in la sii horumariyo xornimada saxaafadda.
Ka dib kulan ay yeesheen saxafiyiinta iyo wakiillo ka socda wasaaradda, ayay dhinacyadu isla gaareen in “warbaahintu ay kaalin muhiim ah ku leedahay xoojinta nabadda iyo sare u qaaddidda ixtiraamka loo hayo talinta sharciga, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah ilaa iyo wixii ka dambeeya xaaladda ku-meel-gaarnimada”.
Ururka saxafiyiinta ayaa sidoo kale xukuumadda ka dalbay in ay ilaalo dheeraad ah u fidiso saxafiyiinta. Shan saxafi ayaa Soomaaliya lagu dilay sanadkan, iyada oo kii ugu dambeeyay Arbacadii lagu dilay Gaalkacyo.
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Boubacar Gaoussou Diarra ayaa uga hambalyeeyay saxafiyiinta Soomaalyeed kaalintooda muhiimka ah ee ku aaddan sare u qaaddida nabadda. “Waa wax dhiiri-galin leh in la ogaado mintidnimada iyo dhiirranaanta xadka sare ah ee ay muujiyeen saxafiyiinta Soomaaliyeed, iyada oo la ogyahay duruufaha khatarta leh ee ay ku dhex shaqeeynayaan,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa muujiyay dareenkiisa ku aaddan dilka sii kordhaya ee lagu hayo saxafiyiinta gudanaya shaqadooda.
“Siduu-doono-yeelennimada ay iska haystaan kuwa weerara ama u hanjaba saxafiyiinta, iyo sida aan arrintooda waxba looga qaban, waa mid si wayn u soo kordhaysa; iyada oo ay dambiyadaasi ka mid yihiin qaar dhaca maalin cad, kuwaa oo ka tarjumaya farriimaha ugu arxanka daran,” ayuu yiri Ban oo jooga Xarunta QM ee New York.
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
Shan qof ayaa lagu xiray Daarusalaam Khamiistii iyaga oo haysatay walxaha laga sameeyo qarxyada, ...
Madaxwenaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyay sharci-dajiyayaasha in ay dhinac iska dhigaan ...
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa gobolka Bakool ku dilay sagaal ka tirsan dagaalyahannada al-Sh...
Rag hubeeysan oo aan la garaneeyn ayaa fiidnimadii Sabtida (18-kii Maajo) waxa ay waqooyi-bari ke...
Xisbiga talada haya Kenya ee Isbahaysiga Jubilee ayaa hoggaanka u qabtay laba guddi-barlamaan oo ...
Rugta Ganacsiga Jabuuti iyo Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ayaa ilaalada xirmo...
Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Tansaaniya Filiberto Ceriani Sebregondi ayaa ku boorriyay saxaf...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo