Maajo 03, 2012
Hay’adda QM u qaabilsan Carruurta (UNICEF) ayaa ka digtay in ay 12% kaliya ka heshay $298 milyan oo ay filaysay sannadkan si ay uga shaqayso arrimaha bini’aadanimada, taasoo kumanaan kun oo caruur Soomaaliyeed ah u baylihinaysa in ay gaajoodaan.
“Shaqadani waa ay sii socon doontaa waana howl-gal ballaaran oo maalin walba lagu badbaadinayo nolosha caruurta,” ayuu yiri afhayeenka UNICEF Marixie Mercado. “Haddii aynaan helin lacagta aan u baahannahay, dhammaan barnaamijyadeena waxbaa lag jari doonaa,” ayay tiri. “Kuwa sida ba’an u nafaqo-beelay ayaa waxa ay halis dhab ah ugu jiraan in ay dhintaan.”
Mercado waxa ay sheegtay in qiyaasta 325,000 oo ah caruur oo si ba’an u fuuq-baxay una nafaqo-beelayay ay haatan si wayn ugu baahan yihiin gargaar.
Waxa ay sheegtay in nabad-galyo la’aantu ay culays wayn ku ahayd in la caawiyo caruurto u baahan gargaarka. “Waxa jira 1.9 milyan oo carruur ah oo ku sugan aagagga koonfurta iyo bartamaha kuwaa oo aanu gaarin tallaalku sababtuna ay tahay in ay goobahaasi adag tahay in la galo,” ayay tiri.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Qoraal aad u qayaxan oo si fudud loo fahmi karo.
Al-shabaab waa koox khaa’imiin ah waxayna jidh dilaan dadka. Abid looma aqoonsan karo mujaahidiin waxaana ku filan in ay mamnuuceen hay’addaha cawimaadda Islaamiga inay soo galaan goobahooda. Waxay rabaan inay gaajo u dilaan, taasoo daliil u ah inayna bini aadam ahayn iyo in ayna dareyn lahayn, ama damiir. Waxba odhan mayno laakiin waxaan baryaynaa Eebe caawintiisa oo xagooda ah, sababtoo ah waxay maskaxda ka dageen dhalinyarada waxayna ku burburiyeen guryahooda gacmahooda.