Midowga Yurub oo lacag ku bixiyay si loo caawiyo dhulalka Bariga Afrika ee ay abaaruhu la dageen

Maajo 03, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in ay isku-duween lacag gaaraysa 4.3 bilyan oo shilinka Kenya ay ($52 milyan) si kor loogu qaado caafimaadka, nafaqada iyo helitaanka biyaha nadiifka ah, isla markaana loo yareeyo saameeynta ay abaaruhu ku yeesheen Bariga Afrika.

Lacagtan ayaa qayb ka ah mashruuca cusub ee SHARE "Supporting Horn of Africa Resilience" kasoo lagu taageerayo u adkaysiga iyo u babac-dhigidda abaaraha ku dhufta Geeska Afrika, waana qorshe ay ku kacayso 27.3 bilyan oo shilin ($329 milyan) ula-jeeddadiisuna tahay in wax looga qabto arrimaha khuseeya cunno yaraanta iyo xoojinta farsamooyinka lagu wanaajinayo awoodda loo leeyahay in lala tacaalo musiibiiyinka ka dhaca Kenya, Somalia, Itoobiya iyo Jabuuti.

Gaajada ayaa gaartay in ka badan 13 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika, sidaana waxa sheegay Guddoomiyaha Midoga Yurub ee Horumarinta Andris Piebalgs oo safar ku marayay Nairobi, Business Daily Africa ayaa Arbacadii (2-dii May) sidaa warisay.

“Midowga Yurub wixii uu qaban karay oo dhan waa uu qabtay sidii loo caawin lahaa dadka dhibaataysan, laakiin hadda waa in aannu daawaynaa cudurka, oo aynaan kaliya mashquul ku noqon in aan la dagaallano calaamadaha,” ayuu yiri Piebalgs. “Mashruucan cusub ayaa muujinaya sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay in la sii wado dagaalka looga soo horjeedo gaajada.”

Wajiga koowaad ayaa waxa gobollada ay abaaruhu saameeyeen lagu gaarsiin doonaa biyo nadiif ah iyo nafaqo.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad