Madaarka Hargaysa oo laga furay terminaal cusub

Maajo 03, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Arbacadii (2-dii May) si rasmi ah terminaal cusub uga furay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.

Dhismaha ayaa la bilaabay 2010-kii waxana uu ka kooban yahay fidinta waddada ay soo caga dhigtaan kana duulaan diyaaradaha (runway), dhisidda waddada u dhexeeysa runway-ga iyo terminalka ee ay diyaaraduhu ku kala wareegaan taasoo dhererkeedu yahay 1.7 kiiloo mitir, hooso la dhigo xammuulka iyo terminaal u adeega rakaab dheeraad ah, ayuu yiri Ismaaciil.

“Diyaaradaha kuwooda ugu waawayn ee rakaabka iyo xammuulka ayaa haatan ku soo degi kara madaarkan,” ayuu yiri Ismaaciil. “Tani waxa ay keenaysa fursado ganacsi iyo maal-galineed oo aad u ballaaran.”

Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa ku tirtirsiiyay dadka deggan Somaliland in ay ka faa’idaystaan fursadaha maal-galineed “sifo ballaarinta maddaarka loogu isticmaalo wanaajinta nolasha dadka”.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad