Maajo 03, 2012
Ra’iisul-wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa aqbalay istaqaalada uu Musali Mudavadi ka keenay Xisbiga Dhaq-dhaqaaqa Dimuqraadiyadda ee (ODM), isaga oo intaa ku daray in uu sidoo kale isaga dago kursiga uu ku leeyahay barlamaanka, idaacadda Capital FM News ayaa warisay.
“Haddii aad tahay kan isagu ka tegaya xisbiga, markaa waa waajib in aad sidoo kalena iska casisho kursigaaga barlamaanka,” ayuu yiri Odinga Khamiistii (3-da May).
Odinga waxa uu sheegay in ODM uu sii wadi doono dadaalka uu ugu jiro in isbaddal lagu sameeyo dastuurka kaasoo oggolaan doona in la furo tartanka mansabka madaxweynenimo, hase yeeshee Mudavadi waxa uu sheegay in xisbigu uunan si dhab ah uga shaqayn isbaddalkaas.
“Waxan ku kalsoonahay in doorashooyinka soo socda, ay dadka Kenya ay isbaddal iyo dib-u-habeeyn ka door-bidi doonaan xaaladda hadda taagan,” ayuu yiri Odinga. “Waxa aannu dooran doonnaa rajada iyo midnimada oo aan ka door-bidi doonnaa cabsi-galinta iyo kala-qaybinta.”
Mudavadi ayaa Arbacadii iska casilay xilkiisii wasiirnimo iyo kii ku-xigeenka xisbiga ODM kadib markii uu ku shaaciyay in uu yahay musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga UDF.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka maamul-goboleedka Somaliand ayaa Talaadadii (18-ki...
Bilayska Tansaaniya ayaa Talaadadii (18-kii June) Arusha ku xiray afar xildhibaan oo ka tirsan xi...
Rag hubeeysan ayaa Gobolka Wajeer ku dilay askari ka tirsan kaydka bilayska habeeynimadii Talaada...
Japan ayaa oggoolaatay in ay siiso Tansaaniya $49 milyan o doolar (80.4 bilyan oo shilin) oo isug...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa si kalinimo ah u magacaabay soona gudbiyay 1...
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Talaadadii (18-kii June) waxa ay Madaxweyne Ku-xi...
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Mudavadi ugu dambayntii siyaasiyan waa uu is dilay.
Waxaan ahay qof Kenyan u dhashay una baahan is badal. Madaxdeena in nagu filan waan ka soo baranay. Waa xilligii aan raadin lahayn is baddal dhab ah gaar ahaan taabo-galinta dastuurka cusub. Sheegashada Mudavadi ee ah in ODM ayan dimuqraadiyad ka dhex jirin maaha arrin dhab ah. Waxay ku marin-habaabiyeen mucaaradku inuu ka baxo ODM si markaa xisbiga loo wiiqo oo ay uga adkaadana kuwa mucaaradku. Qofka kaliya ee ay ka dhabtahay in isbaddal la sameeyo waa Mudane Raila Odinga.