Maajo 03, 2012
Sarreeye Guud Andrew Gutti oo u dhashay Ugaandha ayaa la wareegay taliska ciidamada AMISOM Arbacadii (2-dii May) ka dib xaflad xil la-kala wareegid ah oo ka dhacday Muqdisho, sidaana waxa hadal uu soo saaray ku sheegay Midowga Afrika.
“Sarreeye Guud Gutti waxa uu hoggaamin doonaa dagaalka socda ee ay ciidamada AMISOM ugu jiraan sidii ummadda Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa nabad iyo barwaaqo,” ayuu Danjiraha Midowga Afrika Rodney Kiwa u sheegay saraakiishii ka kala socda Afrika iyo QM ee kulankaa soo xaadiray.
“Iyada oo gacan ka helaysa beesha caalamka, ayay AMISOM sii wadi doontaa in ay ka sii shaqayso sidii ay Soomaaliya mustaqbalka dhow ugu soo celin lahayd nabaddii iyo xorriyaddii dhaq-dhaqaaqa, taas oo ahamiyad wayn u leh dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro argaggixisada iyo hanka ku aaddan in gobolka lagu nabadeeyo,” ayuu yiri.
Gutti waxa uu ka tirsanaa millatariga Ugandha muddo ka badan 26 sano waxaana uu hoggaamin doonaa ciidamada AMISOM ee la ballaariyay oo ka kooban waddamada Kenya, Ugandha, Jabuuti, Burundi iyo Sierra Leone. Waxa uu xilka kala wareegay Sarreeye Gaas Fred Mugisha, oo isagu hoggaaminayay dagaalkii al-Shabaab looga eryay Muqdisho.
AMISOM haatan waxa ay ka kooban tahay 14,400 oo askari oo ku sugan Somaaliya, haseyeeshee waxa la gaarsiin doonaa ku dhawaad 18,000.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo