Dhaawicii Dhuusamareeb oo loo duuliyay Nairobi iyo Addis Ababa

Maajo 03, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Dhowr ka mida dadkii ku dhaawacmay qarixii is-miidaaminta ahaa ee Dhuusamareeb ayaa Talaadadii loo duuliyay Itoobiya si halkaa loogu soo daweeyo, iyada oo qaar kalena la qorsheeynayo in la geeyo Nairobi, sidaana waxa Arbacadii (2-dii May) sheegay Raadiyo Bar-Kulan oo ay QM maal-galiso.

Dhibbanayaasha ayaa la sheegay in ay xaaladdoodu halis tahay kadib markii qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay makhaayad, halkaa oo ay xildhibaannada maxalliga uhu ay kulan kula lahaayeen muwaadiniinta degaanka. Diyaarad ayaa dadka dhaawaca ah ka qaadday Guriceel una duulisay Addis Ababa, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Cismaan Ciise Nuur.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Axmed Cabdisalaam, xildhibaan Xuseen Samatar iyo xildhibaan Cabdirisaaq Isaaq Biixi ayaa ka mid ah dadka lagu soo daweeynayo Itoobiya.

Shan kale oo ka mida dhaawaca ayaa loo duulin doonaa Nairobi si halkaa loogu soo daweeyo.

Weerarkan oo ay ku dhinteen siddeed qof ayaa waxa mas’uuliyaddiisa sheegtay kooxda al-Shabaab.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Abdiqadir
    May 4, 2012 @ 09:16:38AM

    Tani waxay cashir u noqon kartaa taageerayaasha daaquudka

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada