Kenya oo dhaqaale dheeraad ah u raadinaysa garsoorka

Maajo 01, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Garsoorka Kenya ayaa baarlamaanka ka codsatay in uu meel-mariyo miisaaniyad dhan 16.8 bilyan oo shilinka Kenya ah ($202 milyan) taas oo loo qoondeeyay in shaqaale dheeraad ah loogu qoro waaxda garsoorka, sidaana waxa Isniintii (30-ka April) qoray wargeyska The Standard ee ka soo baxa Kenya.

Lacagtaas ayaa waxa lagu shaqaaleeyn doonaa “275 garsoore, xaakimiin iyo qaaddiyaal iyo sidoo kale 185 shaqaale dhinaca farsamada ah si aannu markaa ugu maarayno ka soo dhalaalidda howsha la inoo igmaday,” ayuu yiri Gladys Shollei oo ah madaxa diiwaanka Maxkmadda Sare.

Shaqaalaha dheeraadka ah waxa ay waaxda garsoorka dawladda u sahli doonaan in ay wax ka qabato dacwooyinka badan ee is-fuulay ee maxkamadda u yaal ayuu yiri. “Suuraggal maaha in aad garsoorka ku maamusho miisaaniyad dhan 7.9 bilyan oo shilinka Kenya ah ($95 milyan)” ayuu yiri Shollei.

Haddii aanan la oggolaan soo jeedintan, saraakiisha caddaaladda waxa ay ku khasbanaan doonaan in ay jabiyaan qandaraasyo ay ku damacsanaayeen in ay ku qortaan shaqaale dheeraad ah si ay u maareeyaan dacwooyinka u rasaysan kuwaa oo ay qaarkood ku qaadatay 20 sano in ay ay maxkamadda ku hor tagaan.

Tani waa markii ugu horeeysay ee ay waaxda garsoorku barlamaanka soo hor-dhigto miisaaniyad u gaar ah.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada