Kooxda Simba ee Tansaaniya oo ka adkaatay al-Ahly Shandy-da Suudaan

Abriil 30, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Naadiga kubbadda cagta ee Simba ee reer Tansaaniya ayaa ku dhawaaday in uu ku guulaysto wareegga labaad ee kama dambaysta ah ee Africa's Confederation Cup iyagoo 3-0 gurigooda uga adkaaday al-Ahly Shandy-da Suudaan Axaddii (29-kii April)

Haruna Moshu, Patrick Mafisango iyo Emmanuel Okwi ayaa kala dhaliyey dhamaan saddexdii gool ee qaybta labaad ee ciyaarta oo ka dhacaysay Istaadiyamka Qaranka oo ku yaal Daaru Salaam. Natiijo "1-1 ahi waxay ahaan lahayd natiijo gar ah, laakiin ugu dambayntii waxaannu hellay guushan weyn," ayuu BBC-da ku yiri tababbaraha kooxda Simba, Milovan Circovic. "Markii aannu ciyaarta Suudaan u tagno, waxaannu difaacan doonnaa guushayada; waan hubaa in aannu sii gudbi doonno."

Simba waa kooxda keliya ee reer Bariga Afrika ah oo weli sii socota oo u tartamaysa koobka sanadkan ee konfadereeshinka. Ciyaartii Isniintu waxay ahayd tan koowaad ee laba ciyaarood, iyadoo kooxda labadaba ku guulaysata ay sii gudbi doonto.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • kamgisha
    May 1, 2012 @ 01:05:29PM

    Simba Mya; Carabtii reer Suudan buntuqyadii bay qaateen, Myamana gool dhalin buu isaga jiray isaga oo horay u sii socda. Guul baan idiin rajaynayaa SIMBA, guul baan idiin rajaynayaa Bariga Afrika

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada