Shirkadaha loo shaqeeyo ee Bariga Afrika ayaa ku baaqay in waxbarashadu la jaan-qaaddo baahida suuqa

Abriil 30, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ururka Shaqaale-qortayaasha Bariga Afrika (EAEO) ayaa jaamicadaha gobolka ka furan ku boorriyey in ay bixiyaan koorsooyin ka jawaabi kara baahida suuqa, Daily News-ta Tansaaniya ayaa Isniintii (30-ka April) werisay.

Shaqaale-qortayaasha ayaa waxaa soo food-saartay in aanay in la shaqaaleeyo u qalmin ardayda ka soo qalin-jebisa jaamacadaha Bariga Afrika, taasina waa dhibaato ay tahay in wax laga qabto, ayay guddoomiyaha EAEO, Jackline Mugo u sheegtay kulan ay dhammaadkii toddobaadka qaadanayeen shaqaale-qortayaasha gobolka, oo ayna ku wehliyeen saraakiil sarsare oo dawladda ah.

"Joogitaanka jaamiciyiin badan oo shaqo la’aan ahi waxay halis ku tahay dhaqaalaha, waayo waxay sababi kartaa xasillooni darro, waxaanay kordhin kartaa dembiga,” ayuu yiri Musa Sirma oo ah guddoomiyaha Golaha Wasiirrada ee EAC.

Ururka ayaa doonaya in uu dardargeliyo oo Beesha Bariga Afrika uga doodo masaalixda shaqaale-qortayaasha, iyo in uu sameeyo gole ay ku wada hadlaan shaqaale-qortayaasha iyo EAC.

Mugo iyo Sirma ayaa amaanay doorka ay shaqaale-qortayaashu ku leeyihiin abuuridda shaqooyinka iyo sahlidda horumarka gobolka. Sirma ayaa sheegay in ay shaqaaleeyayaashu u shaqeeyeen in ay fuliyaan barnaamijyo muhiim ah oo ay dejinayso dawladdu si loo shaqaaleeyo jaamiciyiintii dhawaan qalin-jebisay.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada