Abriil 30, 2012
Al-Shabaab ayaa sii wadi doonta weerarrada ay la beegsanayso ciidamada AMISOM, iyadoon waxba ka soo qaadayn in dhawaan la beddelay qaabdhismeedkii ciidanka, sidaa waxaa idaacad al-Shabaabka taageerta Isniintii (30-ka April) u sheegay afhayeenka al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage.
Raage ayaa sheegay in baabuurta la isku qarxiyo iyo weerarrada kale ee lala beegsanayo ciidamada Midowga Afrika (MA) aanay is-taagi doonin. Wuxuu sheegay in xaqiiqda ah in ay AMISOM magacawday taliye cusub ay calaamad u tahay in ay ku guul-darraysatay dagaalkii ay kula jirtay al-Shabaab, Shabakadda Warbaahinta Shabeelle ee Soomaaliya ayaa arrintaa werisay.
Bishan ayuu Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki Sarrreeye Gaas S.N. Karanya u magacaabay in uu noqdo taliye-xigeenka AMISOM ee dhinaca hawlgallada.
"Waxaannu sii wadi doonnaa dagaalkeenna jihaadka ah ee aannu kala soo horjeedno AMISOM-ta soo duushay iyo kuwa raacsan ee isku sheega dawladda ku-meel gaarka ah,” ayuu yiri Raage, sida ay sheegtay Idaacadda Kulmiye ee Soomaaliya.
AMISOM ayaa bilihii la soo dhaafay degmooyin muhiim ah oo Muqdisho ku yaal ka qabsatay al-Shabaab haatanna qorshaynaysa in ay hawleheeda sii ballaariso oo Muqdisho sii dhaafiso.
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
Bilayska Tansaaniya ayaa koox khaas ah u diray Arusha Axaddii (16-kii June) si ay baaritaan ugu s...
Wafdi ka socda Yemen ayaa fasixii todobaadkan booqday Jabuuti si uu u soo saxiixo heshiisyo xirii...
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa booqday Jabuuti Sabtidii ...
Toban qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Jowhar Sabtidii (15-kii June) kadib dagaallo ay ku lu...
Hay'adaha la-dagaallanka musuqmaasuqa Kenya ayaa u midoobay si ay u sameeyaan xarun kaliya oo lag...
Ugu yaraan saddex qof ayaa looga cabsi qabaa in ay dhinteen 20 kalena uu gaaray dhaawac halis ah ...
Shan iyo toban dal iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka qayb-galay shir khuseeya kacs...
Weerar loo adeegsaday walxaha qarxa ee la macmalay oo ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shab...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo