Abriil 30, 2012
Bilayska Kenya ayaa goobaya ciddii ka dambaysay weerarkii bambaano ee Axaddii (29-ka April) lala beegsaday kaniisadda ku taal Nairobi, iyagoo xoogga saaraya tilmaamihii ay bixiyeen goob-joogayaashu ee ahaa in nin 20-meeyo jir ahi uu kaniisadda ka baxay ilbiriqsiyo uun ka hor intaanu qaruxu dhicin.
"Bilayska ayaa ku raad-jooga tilmaamihii ay bixiyeen goob-joogayaasha si ay u aqoonsadaan shakhsiyadda qofka weerarka geystay,” ayuu yiri afhayeenka bilayska, Eric Kiraithe, sida ay Daily Nation werisay.
Weerarka ayaa isla goobta ku diley hal qof, waxaanu dhaawacay 15 kale. Laba iyo toban ka mid ah dhaawicii ayaa loo daabbulay cisbitaalka Kenyatta National Hospital, halkaa oo uu mid u geeriyooday dhaawacyadii weerarka ka soo gaarey, sida uu sheeegay S.M. Monda oo ah dhakhtar dhinaca qallliinka ah oo cisbitaalka ka shaqeeya.
"Tani waa fal argaggixisannimo,” ayuu yiri Madaxweyne ku Xigeenka Kalonzo Musyoka, oo ka mid ahaa madaxdii dawladda ee dhibbanayaasha cisbitaalka ku booqanaysay. “Waa wax laga xumaado in ay gaareen ilaa xad ay dadka weeraraan xitaa iyagoo cibaadaysanaya. Iyadoo ay sidaa tahay, waxaannu dadka dalka deggan oo dhan ku boorrinaynaa in ay deganaasho muujiyaan.”
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
Saami dhinaca DNA-a ah oo laga qaaday caday ku jiray boorso wayn oo ay rasaasi ku jirtay lagana h...
Todoba iyo toban Kenyan ah ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen nabaddii, rabshado iyo in ay si arxa...
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda in Isniintii (20-kii Maajo) ay madaafiic hoobiyayaal ah k...
Askar ka tirsan guutada Koox-dagaaleedka 9+ ayaa ku noqonaya dhulkoodii kadib 13 bilood oo ay ka ...
Ciidanka Bilayska Kenya ayaa bisha soo socota bilaabi doona xulid buuxda oo lagu kala sameeyo sar...
Isku day dhac oo la fashiliyay oo ka dhacay xafiis ammaan oo uu Wells Fargo ku leeyahay Mombasa a...
Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama ayaa ballan-qaaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan xillig...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Arrinkani wuxu noqday wax xad-dhaaf ah, laakiin ilaahay wali waa noolyahay, waxaanu ilaahay arkaa waxaysan bina aadamku arki karin. Markaa dadka dambiilayaasha ah waxaa ku waajib ah inay ogaadaan inay iman doonto maalinta xaqiidu daahfurmi doonto, wax kastoo mugdi ku jiraana maruun buu soo shaac bixi doonaa, qofkastaana goob joog ayuu ka ahaan doonaa.
Alshabaab way u dhamaatay, waayo ilaahay wuu arkaa sharka ay wadaan, meel dheerna gaadhi maayaan.