Jarmalka oo 176 milyan oo yuuro u ballan-qaaday horumarinta Tansaaniya

Abriil 29, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Jarmalka ayaa toddobaadkan oggolaaday in uu labada sano ee soo socota horumarinta Tansaaniya u qoondeeyo 176 yuuro, jariidadda The Guardian oo Tansaaniya ka soo baxda ayaa Sabtidii (28-ka April) werisay.

Heshiiska arrintaa ku saabsan oo Jimcadii la sixiixay ka dib wadahadallo socday labo beri ayaa 137.5 milyan oo yuuro u qoondaynaya wada-shaqaynta dhinaca maaliyadda ah, 38.5 milyan oo yuurona u qoondaynaya taageerada dhinaca farsamada.

"Waxaa jira dhawr waaxood oo aannu isku afgarannay aannuna u qoondaynay caddad lacag ah si loo xoojiyo awooddooda marka laga eego dhinaca dhaqaalaha,” ayuu yiri Ramadhani Khijjah, oo ah xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Arrimaha Dhaqaalaha. Wuxuu sheegay in aagagga la maal-gelin doono ay ka mid tahay taageerada miisaaniyadda guud, biyaha, caafimaadka iyo Xafiiska Xisaabu-xil-ma leh ee Qaranka.

"Tansaaniya ayaa ka mid ah waddamada ugu waaweyn caalamka ee ka faa’iidaysta wadashaqaynta dhinaca horumarinta ee uu Jarmalku bixiyo,” ayuu yiri Ralph Mohs, oo ah madaxa ergada Jarmalka. “Wadajir ayaannu doonaynaa in aannu ku gaarro natiijooyin muuqan kara."

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada