Dawladda Soomaaliya oo beenisay in ay maxaabbiista si xun ula dhaqantay

Abriil 29, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Dawladda Soomaaliya ayaa si xooggan u beenisay eedaymo la xiriira in ay xabsiyada Muqdisho maxaabbiista ku jira si xun ula dhaqanto, Idaacadda Shabeelle ee Soomaaliya ayaa arrintaa Axaddii (29-ka April) werisay.

Beeninta dawladda ayaa ku timid jawaab ay ka bixinaysay eedaymo dhawaan loo jeedshay oo tibaaxayey in ay xaddidday booqashada maxaabbiista iyo in maxaabbiista si bini’aadannimada ka baxsan loola dhaqmaba. Rabshado iyo isku day in xabsi la jabsado ayaa xabsiga dhexe ee Muqdisho ka dhacay toddobaadkii la soo dhaafay.

Sarkaal sare oo dhinaca amniga ah oo la yiraahdo Cabdi Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in maxaabbiista si wanaagsan loola dhaqmo aanay xaq u leeyihiin in ay asxaabta iyo ehelladoodu soo booqdaan.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada