2 ayaa dhintay markii ay ciidamada Soomaaliya iyo al-Shabaab ku dagaallameen Muqdisho

Abriil 29, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyootay dagaallo habeennimadii Sabtidii (28-ka April) duleedka Muqdisho ku dhexmaray ciidamada dawladda Soomaaliyeed iyo dagaalyahaniinta al-Shabaab, Idaacadda Shabeelle ee Soomaaliya ayaa werisay.

Iska hor-imaadyada ayaa waxay billowdeen markii ay al-Shabaab weerareen saldhigyada ciidamada dawladda ee ku yaal xaafadaha Xoosh iyo Asluubta oo ah koofurta Muqdisho, sida uu sheegay taliye ka mid ah kuwa Dawladda Federaalka KMG ah oo la yiraahdo Cabdullaahi Cusmaan..

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa dib u riixay dagaalyahaniinta oo fashiliyey isku daygoodii ahaa in ay nabadgelyada aagga khalkhal geliyaan, ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Dharklaynley, Macallim Cabdulle oo la hadlayey Idaacadda Bar-Kulan ee ay QM maalgeliso.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada