Qarax bambaano oo 1 qof ku diley kaniisad Nairobi ku taal

Abriil 29, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Weerar bambaano oo Axaddii (29-ka April) ka dhacay God’s House of Miracles international Church ee xaafadda Ngara, Nairobi ayaa qofna diley ugu yaraan 15-na dhaawacay, sida ay sheegeen saraakiisha bilayska ee deegaankaas.

Taliyaha bilayska ee aaggaa Joseph Gichangi ayaa sheegay in lagu soo warramay in qofka weerarka geystay uu ka mid ahaa jameecada kaniisadda, markii uu bamka qarxiyayta uu markiiba baxsaday. Goobjoogeyaal ayaa AFP-da u sheegay in uu qofka weerarka geystay uu ku hubaysnaa bastoolad.

Bilayska ayaa sheegay in uu qof goobjooge ahu bixiyey tilmaanta qofka weerarka geystay, bulshadana uu ku boorriyey in ay caawiyaan baaritaanka.

"Iyadoo aannu bulshada kaalmo ka helayno, ayaannu qofkaa qaban doonnaa,” ayuu yiri ku xigeenka Taliyaha Bilayska Nairobi, Moses Nyakwama.

Lix ka mid ah dadkii dhaawacmay ayaa loo qaaday cisbitaalka Guru Nanak oo meesha ku dhawa, afar aad u liidatana waxaa la geeyey Cisbitaalka Kenyatta National Hospital, sida ay sheegtay Daily Nation-ta Kenya.

Weerarku waa mid ka mid ah dhacdooyin amni darro oo isxigxigay oo dhacay ilaa berigii ay Kenya ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya October-tii la soo dhaafay si ay ula dagaallamaan dagaalyahaniinta al-Shabaab. Weerarkii ugu dambeeyey wuxuu bishii March hal qof ku dilay isu-soo bax kaniisadeed oo ka soconayey meel ku dhaw Mombaasa.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • leonardgmaina
    April 30, 2012 @ 09:40:33AM

    waa in gacan ku dhiiglayaasha las oo qabtaa oo la burburiyaa si kama dambaysa.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada