Abriil 27, 2012
Dulinka mallaariya ee ugu dilaa-san Afrika ayaa muujinaya in uu adkaysi ka samaysanayo dawooyinka suuqa yaal kuwa ugu awoodda badan, cilmibaarayaal London jooga ayaa arrintaa shaaca ka qaaday Jimcadii (27-ka April).
Saynisyahannada ayaa helay adkaysi ku lid ah dawada ka hortagga mallaariyada ee artemether mar ay tijaabo ku sammeeyeen tuubbo lala falgashay dhiig laga soo qaaday 11 ka mid ah 28 bukaan oo ay jirro soo ridatay ka dib markii ay u safreen waddamo u badan kuwa Saxaraha ka hooseeya, iyagoo waxyaabihii ay ogaadeen ku daabacay Malaria Journal oo ay leedahay madbacadda BioMed Central.
"U adkaysiga tuubbada tijaabada waxay inta badan markii cabbaar la joogo keentaa u adkaysi caadi ah oo ay bukaannadu samaystaan,” ayuu yiri hormuudka cilmi-baaristan, Sanjeev Krishna, sida ay shaagtay AFP-du. "Waxa ay taasi ku micnoobayso marka laga hadlayo in ay daweyntu guuldarraysan karto, waa mid aynaan weli qiimayn ku samaynin.”
Adkaysiga uu dulinku u adkaysan karo daweynta ayaa keenaysa walaac ku saabsan suuragalnimada in mustaqbalka ay dawooyinku waxtar ka noqon waayaan gaar ahaan Afrikada Saxaaraha ka hoosaysa oo ay sannad waliba 90% dhimashada mallaariyada la xiriira ee adduunku ka dhacaan.
Sida uu qabo Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) waxaa 2010-kii mallaariya u geriyooday 655,000 oo qof. Mallaariyadu Waa sababta shanaad ee waxyaabaha sida badan loogu geeriyoodo waddamada soo koraya.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo