Hiiraan oo qaadaysa tallaabo ka dhan ah lacagaha been-abuurka ah

Abriil 27, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Maamulka gobolka Hiiraan ee Soomaaliya ayaa Khamiistii (25-ka April) muwaaddiniinta uga digey oo ku boorriyey in ay ka feejignaadaan lacago been-abuur aha, Idaacadda Bar-Kulan ee ay QM maalgeliso ayaa werisay.

Guddoomiyaha gobolkaa Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in saddex beri gudahood dawladdu ay ku billaabi doonto in ay qaaddo tallaabo ka dhan ah cid kasta oo lagu arko iyadoo haysato lacag been-abuur ah oo Soomaali ah, oo loo yaqaan “waraaqaha cad-cad”.

Isticmaalidda lacag-been abuur ah waxay sababi kartaa sicir-barar, ayuu ka digey. Wuxuu sheegay in ay socdaan baaritaanno lagu raadinayo ciddii masuulka ka ahayd in ay lacagtaa been-abuurka ah keenaan Hiiraan.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada