EAC: Kiisaska Kenya waa in lagu maxkamadeeyaa Bariga Afrika

Abriil 27, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Golaha Guud ee Sharci-dejinta Bariga Afrika ayaa Khamiistii (26-ka April) si aan kala har lahayn isugu raacay mooshin ay ku codsanayaan in kiisaska ku saabsan qalalaasihii Kenya ee doorashada ka dambeeyey ee ay soo oogtay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada loo soo wareejiyo Maxkamadda Caddaaladda ee Bariga Afrika, Capital FM News-ta Kenya ayaa arintaa werisay.

Dan Wandera Ogallo oo reer Ugaandha ah ayaa keenay mooshinka oo la hor-dhigi doono Shir-madaxeeda EAC ee Sabtiga ka dhici doona Caruusha. Ogallo ayaa qaba dadkana ka dhaadhicinaya in awoodda Kenya ay u leedahay in ay arrintan wax ka qabato laga sii shaqeeyay muddadii ku sinnayd afarta sano ee la soo dhaafay.

Sida ay werisay Daily Nation-ta Kenya, mooshinka ayaa daba socda shaacintii Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki uu khudbaddii kulanka Xaaladda Qaranka Talaadadii ka shaaciyey in uu ka shaqaynayo in uu suurogeliyo in si maxalli ah loo maxkamadeeyo afarta qof ee reer Kenya ee maxkamadda ICC wajahaya,

Afarta qof ee reer Kenya ee ay ICC-du doonayso in ay maxkamadayso oo kala ah – Ku Xigeenka Raysal Wasaaraha Uhuru Kenyatta, madixii hore ee shaqaalaha dawladda Francis Muthaura, iyo xildhibaanka laga soo doorto Waqooyiga Eldoret, William Ruto iyo wariyaha idaacadeed Joshua arap Sang – ayaa maxkamad u wajihi doona qalalaasihii galaaftay nolosha 1,133 oo qof isla markaana 650,000 oo kale guryahoodii ka barakiciyay.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada