Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo al-Shabaab kula diriray Gedo

Abriil 27, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Kow iyo toban qof ayaa geeriyootay in kale oo badanna waa ay dhaawacmeen markii ay ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya al-Shabaab isku hardiyeen gobolka Gedo oo dhaca koofur galbeed Soomaaliya, Idaacadda Shabeelle ee Soomaaliya ayaa arrintaa Jimcihii (27-ka April) werisay.

Dagaalka ayaa bilowday markii ay ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya weerarro cirka iyo dhulka ah ku qaadeen saldhigyo ay al-Shabaabku ku lahaayeen meel u dhaw Garbaharrey oo ah xarunta gobolka Gedo.

Aaden Axmed Xirsi oo ah afhayeenka ciidamada dawladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidamadiisu ay ku guulaysteen in ay iska caabbiyaan weerar-celiskii al-Shabaab, iyo weliba in ugu yaraan toddobo dagaalyahan lagu diley dagaalka.

Al-Shabaab ayaa iyaduna guul sheegatay, oo sheegtay in ay u xoog sheegatay weerarkii ay askartu ku soo qaadday, dileyna tiro aan la ogeyn oo ciidanka ah.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada