AMISOM oo ballaarinaysa hawlgalladeeda Soomaaliya

Abriil 27, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

AMISOM ayaa qorshaynaysa in ay ballaariso hawlgalkeeda dhinaca milliteriga ee ka dhanka ah al-Shabaab, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Aafrika (MA) Soomaaliya u qaabbilsan Boubacar Gaoussou Diarra ayaa sidaa Jimcadii (27-kii April) u sheegay Idaacadda Shabeelle ee Soomaaliya.

"Waxaannu doonaynaa in aannu qabsanno aagagga Muqdisho bannaanka ka ah oo ay haatan gacanta ku hayaan saldhigyada kooxda fallaagada ah ee gacan saarka la leh al-Qaacida ee al-Shabaab mar allaale markii aannu kordhinno ciidanka AMISOM oo aaannu gaarsiinno 17,731 askari oo hubaysan,” ayuu yiri Diarra.

Ololaha milliteri ee haatan dalka ka socda ayaa curyaamiyey al-Shabaab, iyadoo ay ciidamada Itoobiya kula dagaallamayaan galbeedka, kuwa Kenyana koofurta ciidamada AMISOM-na ay weerarro uga hayaan meelaha Muqdisho ku hareeraysan.

AMISOM ayaa sidoo kale dhawaan gacanta ku dhigtay garoonka Dayniile, oo ah saldhig istiraatiiji ah oo ku yaalla duleedka Muqdisho.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • jama
    April 28, 2012 @ 04:13:37AM

    Warkani waa war wacan oo kasoo yeedhay ciidamada AMISOM mar hadii ay balaarinayaan hawlgalladooda ku wajahan kooxda alshabaab ee ay ku rabaan in ay xididada ugu siibaan si kama dambays ah. Ciidamada AMISOM waxay haystaan qalab heer sareeya oo ka ilaalin kara khatart calooshooda u shaqaystayaasha kooxda alshabaab. Dawlada federaalka ku meel gaarka ah waxay ku dhawaaqday in ay madax dhaqameedyo ku shirinayaan magaalada muqdisho, si loo meel mariyo mashruuca dastuurka dalka soomaaliya. Ilaa wakhtigii arrinkan la shaaciyay, waxay kooxda alshabaab kor u qaaday weerarada ay ku beegsanayaan dadka rayidka ah, iyagoo raba inay kala firdhiyaan dadka dawlada taageersan ee isla markaana haysta taageerada bulshada caalamka. Waxa dhawaan dhacay arrin layaab leh, oo ah qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay tiyaatarka magaalada muqdisho, kaasoo ay ka socotay xaflad dib u furitaan ah oo la rabay in dib loo furo tiyaatarka oo xirnaa ilaa intii ay dhacday dawladii soomaaliyeed sanadkii 1991. Waxa xusid mudan in qaraxan ay fulisay ruux dumar ah, markaa waxaanu bulsho ahaan usoo jeedinaynaa in xukuumadu ay kor u qaado amaanka magaalada muqdisho.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada