Abriil 27, 2012
AMISOM ayaa Khamiistii (26-ka April) wacad ku martay in aanay “qaswadayaasha” u oggolaanin in ay jar ka tuuraan hannaanka nabadda ee Soomaaliyeed ee socda.
"Waxaa muhiim ah in la xusuusto in ay tani tahay waqti nabad la haysto kii ugu dheeraa ee ay Soomaaliya ku naallootay ilaa berigii ay 1991-dii dhacday dawladdii Soomaaliya,” ayuu yiri Ku xigeenka Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya Wafula Wamunyinyi oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay. “Waxaa jirey waxyaabo badan oo loo huray in la soo gaaro meesha aannu haatan joogno, AMISOM-na cidna kama yeeli doonto in ay hannaanka nabadeed arbushto.
Wuxuu muwaaddiniinta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka fogaadaan wixii fal ah oo arbushaad u geysan kara nabadda laga gaaray meelo badan oo dalka ka mid ah.
Faallooyinka Wamunyinyi ayaa daba socda hanjabaad ay al-Shabaab jeedisay oo ka dhan ah odayaasha dhaqanka oo toddobaadkan isugu soo ururay Kulanka Wakiillada Qaranka. Afhayeenka al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage ayaa Talaadadii sheegay in odayaasha ansixiyey dawladdu ay istaahilaan in madaxa laga gooyo, Idaacadda RBC ee Soomaaliya ayaa warisay.
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
Iska-daba-wareegga badan ee xafiiseed iyo kati xumida ka jirta dekedda Daarusalaam ayaa ugu kacda...
Madaxda Maamul-goboleedka Puntland ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) u kulmay si ay u dhiirrio galiy...
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa xiray in ka ba...
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iskaashiga istaraatiijiyadeed kala sheekaystay G...
Madaxwynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ciidamada ammaanka iyo garsoorkuba waa in ay si rasmi ah uga qo...
Ra'iisul-wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa ku baaqay in kor loo qaado iskaashiga...
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo