Abriil 26, 2012
Cufnaanta gaadiidka ee dekedda Dooraale ee Jabuuti ayaa sare u kacday 126% iyadoo kobocaasi ay sare u qaadeen dalabaadka cuntada iyo badeecooyinka kale ee u safra dhinaca Itoobiya oo iyadu ah dal bad-ka-go’an ah, La Nation-ta Jabuuti ee ku hadasha afka dawladda ayaa Arbacadii (25-ka April) werisay.
Dekedda ayaa waxaa soo maray ku dhawaad 156,000 oo kontaynar rubucii ugu dambeeyey sanadkii 2011-ka, iyadoo ay 69,000 oo kontaynar mareen waqtigaa oo kale sanadkii 2010. Dekedda ayaa waxaa mara shixnado inta badan ku socda Jabuuti, oo iyada la diiwaan geshay in ay kordheen 21% alaabaha dekedda u mara, meesha ay kuwa Itoobiya u marana kordheen 70%.
Xajmiga alaabaha ka baxaya dekedda Jabuuti ayaa iyaguna sare u kacay, iyadoo ay shixnadda guudi sare-kacday in ka badan 3% intii lagu jirey rubucii afraad ee 2011-ka marka la barbardhigo waqtigaa oo kale sanadkii ka horreeyey.
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
Iska-daba-wareegga badan ee xafiiseed iyo kati xumida ka jirta dekedda Daarusalaam ayaa ugu kacda...
Madaxda Maamul-goboleedka Puntland ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) u kulmay si ay u dhiirrio galiy...
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa xiray in ka ba...
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iskaashiga istaraatiijiyadeed kala sheekaystay G...
Madaxwynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ciidamada ammaanka iyo garsoorkuba waa in ay si rasmi ah uga qo...
Ra'iisul-wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa ku baaqay in kor loo qaado iskaashiga...
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo