Abriil 26, 2012
Xaddiga kobcidda ee waaxda warfaafinta iyo Is-gaarsiinta Tansaaniya (ICT) ayaa ah tan ugu sarraysa Bariga Afrika, Wasiirka Is-gaarsiinta, Sayniska iyo Tiknoolojiyadda, Makame Mbarawa ayaa Arbacadii (25-ka April) sheegay.
Wasiirka oo uu ku xigeenkiisu isagoo ka wakiil ah khudbadiisa ka akhriyey kulan ku saabsan Is-gaarsiinta oo ka dhacayey Daaru Salaam, ayaa carrabka ku xajiyey in aqoonta iyo hindisiddu ay muhiim u yihiin koboca dhaqaalaha iyo dakhliga oo sare u kaca tobanka sano ee soo socota. Dawladda ayaa qorshaynaysa in ay gaadho celcelis wax-soo-saar gudaha ah oo sanadle ah oo uu xaddiga kobiciisu yahay 8% marka la gaaro 2015-ka.
Koboca waaxda ICT ee Tansaaniya ayaa wuxuu haatan u dhexeeyaa 15% ilaa 25% sanadkii, ayuu yiri.
Said Amir Said oo ah sarkaalka fulinta ee ugu sarreeya shirkadda la yiraahdo Tanzania Telecommunication Company, ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay tiknooloojiyadda dijitaalka ah. “Intan ka badan iskama sii dhega-marin karro kacaanka dhijitaalka ee haatanba dhacay ama dhici kara saamaynta uu ku yeelan karo horumarka dhaqaale iyo kan bulsho ee waddamadeenna kala duwan,” ayuu yiri.
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
Saami dhinaca DNA-a ah oo laga qaaday caday ku jiray boorso wayn oo ay rasaasi ku jirtay lagana h...
Todoba iyo toban Kenyan ah ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen nabaddii, rabshado iyo in ay si arxa...
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda in Isniintii (20-kii Maajo) ay madaafiic hoobiyayaal ah k...
Askar ka tirsan guutada Koox-dagaaleedka 9+ ayaa ku noqonaya dhulkoodii kadib 13 bilood oo ay ka ...
Ciidanka Bilayska Kenya ayaa bisha soo socota bilaabi doona xulid buuxda oo lagu kala sameeyo sar...
Isku day dhac oo la fashiliyay oo ka dhacay xafiis ammaan oo uu Wells Fargo ku leeyahay Mombasa a...
Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama ayaa ballan-qaaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan xillig...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo