Abriil 26, 2012
Wasaaradda Caafimaadka Tansaaniya ayaa ku boorrinaysa muwaaddiniinteeda in ay ka qayb-qaataan barnaamij tallaal oo billowday Arbacadii (25-kii April) soconna doona toddobaad dhan.
"Waxaannu u baahannahay in aannu tallaallo carruurta oo dhan in kasta oo aannu bar-tilmaameedsanayno hooyooyinka seegay fursad carruurtooda loogu tallaalo barnaamijyada joogtada ah ee tallaalka,” ayuu shir jaraa’id oo uu Talaadadii qabtay ka yiri Yussuf Makame oo u shaqeeya waaxda Barnaamijka Tallaalka Guud ee wasaaradda.
Tallaalada bilaashka ahi waxay isku mar dhacayaan Toddobaadka Tallaalka Afrika oo ah 23-da ilaa 29-ka April. Zanzibaar ayay wasaaraddu ku tallaalaysaa dhallaanka ka yar halka sano iyadoo ka tallaalaysa cudurro dhawr ah oo ay ka mid tahay teetanada, qaaxada, gawracatada, iyo jadeecada. Makame ayaa wuxuu sheegay in ay tallaalladani qayb ka yihiin qorshaha dalka ee ku aaddan ee higsanaya Yoolka Horumarka Kun-sanaalaha ee qeexaya in la dhimo dhimashada carruurta labo ka meeloo saddex marka la gaaro 2015-ka.
Xilli hore oo toddobaadkan ah, ayuu Wasiirka Caafimaadka iyo Wacnaanta Bulshada, Hadji Mponda wuxuu sheegay in barnaamijyada Tansaaniya ee tallaalku ay mar horeba dhimeen in ka badan 80% xaddigii dhimashada ee carruurta ay da’doodu shanta sano ka hoosayso, muddadii u dhexaysay 1999 ilaa lagu keeno 2010, The Citizen oo Tansaaniya ka soo baxda ayaa werisay.
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
Saami dhinaca DNA-a ah oo laga qaaday caday ku jiray boorso wayn oo ay rasaasi ku jirtay lagana h...
Todoba iyo toban Kenyan ah ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen nabaddii, rabshado iyo in ay si arxa...
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda in Isniintii (20-kii Maajo) ay madaafiic hoobiyayaal ah k...
Askar ka tirsan guutada Koox-dagaaleedka 9+ ayaa ku noqonaya dhulkoodii kadib 13 bilood oo ay ka ...
Ciidanka Bilayska Kenya ayaa bisha soo socota bilaabi doona xulid buuxda oo lagu kala sameeyo sar...
Isku day dhac oo la fashiliyay oo ka dhacay xafiis ammaan oo uu Wells Fargo ku leeyahay Mombasa a...
Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama ayaa ballan-qaaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan xillig...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo